Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Chelsea Kala Hortagi Karto Manchester City – Morata Iyo Willian Oo Booskooda Waayi Doona

Chelsea ayaa raadineysa inay wadada guusha ku soo laabato marka ay Stamford Bridge ku martigelinayaan Sabtida kooxda Manchester City ee hogaamineysa horyaalka.

Kooxda Blues ayaa guuldarro lama filaan ah waxa ay ka soo gaartay Wolves habeenkii Arbacada iyadoo tababare Maurizio Sarri uu ku qasaaray isku shaandheyntii ku sameeyay shaxdiisa.

David Luiz iyo Jorginho ayaa kursiga keydka la dhigay iyadoo lagu bedelay Andreas Christensen iyo Cesc Fabregas halka Roben Loftus-Cheek lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Mateo Kovacic iyo Ross Barkley ayaa labadaba tartan ugu jira booska seddexaad ee khadka dhexe si ay uga garab ciyaaraan N’Golo Kante iyo Jorginho inkastoo taageerayaal badan oo Chelsea ah ay doonayaan in Loftus-Cheek la siiyo fursad kale.

Eden Hazard ayaa ka sii ciyaari doona garabka bidix laakiin waxa uu heli karaa xiddigo cusub oo weerar kale ciyaara ka dib markii Alvaro Morata iyo Willian ay fashilmeen bartamihii isbuuca.

Pedro ayaa toos bedeli kara Willian halka Giroud oo afar gool dhaliyay shantiisii kulan ee ugu danbeysay ee Blues uu booska kala bixi doono Morata.

Victor Moses ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa laakiin Chelsea waxa ay heysataa shax adag oo ay ku soo shirtagi karto kulanka ay galbeedka London ku soo dhaweynayaan kooxda Manchester City.

Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Chelsea Kala Hortagi Karto Manchester City

(4-3-3): Arrizabalaga; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Jorginho, Kante, Kovacic; Pedro, Hazard, Giroud