Sergio Ramos Waxa Uu Qolka Labiska Usoo Galaa Sidiiyoo Uu Real Madrid Iska Leeyahay, Waxaana Uu Garoonka Ugu Jiraa Sidiiyoo Uu Kubadda Cagta Hindisay!!.

Daafaca kooxda Real Madrid ahna kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos ayaa amaan u muuqata midii ugu dambaysay ee kubadda cagta ka helay halyeeyga kooxdiisa ee Jorge Valdano.

Halyeayga ree Argentina ayaa la dhacsan hoggaanka iyo shaqsiyada daafacan isaga oo warbixintiisa toddobaadlaha ah ugu soo jeediyay amaan cajiib ah.

Jorge Valdano

Valdano ayaa sheegay in Sergio uu qolka labiska yimaado isagoo qaba dareen ah inuu isaguba leeyahay mulkiyada kooxda uu hoggaamiyaha u yahay isagoo dhinaca kale ku sifeeyay mid u muuqda shaqsigii kubadda cagta hindisay marka uu gegida ku jiro.

Jorge ayaa yidhi “Sergio Ramos waxa uu qolka labiska soo galaa sidiiyoo uu Real Madrid leeyahay waxaana uu garoonka ugu jiraa sidiiyoo uu kubadda cagta hindisay”

“Marka ay ciyaartoyda kale is qarinayaa isagu waxa uu dunida kula loolamaa gool kulaadka Panenka (Rigooraha xeeladaysan ee badhtamaha goolka lagu tuuro)”

Dhinaca kale, Valdano ayaa ka hadlay tababayasha haatan ugu waaweyn kubadda cagta caalamka ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola isaga oo Mourinho ku sifeeyay mid guul kaliya u socda halka uu Pep ku sheegay shaqsi sidoo kale kubad wanaag doonaya.

“Mourinho waxa uu u baahanyahay inuu guuleysto si uu u noqdo mid sax ah una cadeeyo naftiisa laakiin Guardiola waa mid sidaa ka duwan, Waxa uu u baahan yahay inuu guuleysto oo uu u ciyaaro si aad u wanaagsan, Waa su’aal filashooyin ah”

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.