Sergio Ramos, xiddiga reer Spain ee u ciyaara kooxda Monterrey, ayaa la hadlay warbaahinta ka hor kulanka furitaanka kooxdiisa ee Club World Cup oo ay la ciyaarayaan Inter Milan, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah.
Mar lagala hadlay arrimaha Real Madrid, Ramos wuxuu yiri:
“Madrid mar walba waa mid kamid ah kooxaha ugu cadcad tartan kasta. Sababta oo ah heerka ay joogto, ciyaartoyda ay haysato, iyo maskaxda guusha. Iyada oo Xabi yimid, kaas oo wax walba kula guuleystay isla markaana si fiican u garanaya kooxda.”
Markii wax laga weydiiyay in Kylian Mbappe uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or, Ramos wuxuu si cad u sheegay:
“Aniga ahaan, si hubaal ah. Waa gooldhaliyaha ugu sareeya, wuxuu helay Kabta Dahabka ah, laakiin Madrid ma aysan hanan koobab kale oo kooxaha kale heleen. Abaalmarintani waa mid shaqsiyeed, laakiin waxaa jira ciyaartoy horyaalo, koobab iyo tartamo kale guuleystay… Haddii ay aniga igu xirnaan lahayd, Mbappe wuxuu guriga u qaadan lahaa afar ama shan Ballon d’Or, inkasta oo uusan Madrid wax koob ah la qaadin.”
Markii su’aal laga keenay suurtogalnimada uu ku wajahayo Real Madrid, Ramos wuxuu ku kaftamay:
“Haddii aan isku dhicin, waa u roon tahay. Waxaan ka fogaaneynaa niyad-jab. Laakiin run ahaantii, waxay ahaan lahayd farxad aan la dafiri karin. Waxaan jeclaan lahaa inaan wajaho kooxo kale. Waxaan doorbidi lahaa Atletico Madrid, laakiin anaga waxaan diiradda saareynaa inaan kasoo gudubno heerka group-yada, ka dibna waxaan ka fikiri doonnaa wareegyada 16-ka iyo 8-da.”
Markii laga hadlayay Franco, ciyaaryahanka cusub ee Real Madrid, Ramos wuxuu yiri:
“Uma aqaan si gaar ah, laakiin waan maqlay. Waa ciyaaryahan rajo badan leh. Waxaan u rajeynayaa wanaag, waana meesha ugu fiican ee lagu arki karo haddii uu xiddig ka noqon karo Real Madrid.”