Sawir: Sergio Aguero Oo Muuqaal Cusub Yeeshay Ka Dib Markii Uu Bedelay Midabka Timihiisa & Gary Lineker Oo Ka Falceliyay

Weeraryahanka Manchester City iyo xulka Argentina Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay 10 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku jiraa qaab ciyaareed wanaagsan.

Aguero ayaa doonaya inuu habeen danbe xirto kabihiisa gooldhalinta marka uu u safto Manchester City kulanka ay Etihad Stadium ku soo dhaweynayaan kooxda deriskooda ah ee Manchester United.

Waxaana uu Aguero hubanti ka dhigay in indhaha oo dhan ay isagu eegaan kulanka Axada isagoo qaab cusub u nashqadeeyay timihiisa.

Aguero ayaa bogiisa Instagram soo dhigay sawirka muuqaalkiisa cusub isagoo timaha soo cadeystay.

Muuqaalkiisa cusub ayaa durbadiiba keentay inuu jawaab celin ka bixiyo xiddigii hore ee England ahna daadihiyaha barnaamijka BBC ka baxa ee Match of the Day Gary Lineker kaasoo Twitter ku soo qoray:

“Muuqaal cusub ayuu sameysay Aguero. Muddo sannado ah ayaan cadaan ku darayay timaheyga. Waan ogaa in maalin uun la igu dayan doono.”

Labada kooxood ee Manchester ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedyo wanaagsan kulamadoodii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Manchester City waxa ay gacanta sarre ku heshay Old Trafford, halka Manchester United ay aaday Etihad Stadium iyadoo la soo tagtay dhamaan seddexda dhibcood.

Aguero ayaa kursiga keydka fadhiyay labada kulan, laakiin Guardiola ma awoodo waqtigaan inuu ka saaro safkiisa.