Samir Nasri Oo Rajeynaya Inuu Dib Ugu Soo Laabto Premier League – Waxaa Loo Balan Qaaday Mushaar Badan.

Xiddigii hore Manchester City Samir Nasri ayaa markaan dib ugu soo laaban doona horyaalka Premier League, wuxuuna dalab ka heystaa sida warbixinada qaar ay sheegayaan inuu la midoobi doono macalinkiisii hore Manuel Pellegrini.

Samir wuxuu heystaa dalab mushaar oo sanadkii lagu helaayo 5 Malyan oo Pound ka heystaa West Ham oo dooeysa iney la xisaabtanto kooxaha heerarka dhexe ee horyaalka fasalkaan, waana u diyaar garowga mashruuc ay sanadaha soo aadan ku dagaal gali doonaan.

31-jirkaan wuxuu ku jiraa haatan ganaax 18-bilood ah oo dusha loo saaray kadib markii lagu helay inuu isticmaalay dawooyinka awoodda kordhiya, waxaana todobaadkii uu ku shaqeyn doonaa adduun dhan 100,000 kun oo Pound.

Dhanka kale tababaraha Everton Marco Silva ayaa shaqaalahiisa tababarka kala hadlay arrinta ku saabsan inuu kooxda keeno Samir Nasri, balse kuma filnaan karto da’da uu jiro marka laga hadlo sharciga kooxda gobolka Merseyside.

Nasri waxey la taliyayaal badan u sheegeen inuu u guuro Major League Soccer, balse nasiib xumo kuma filnaanin inuu ka helo lacagtii uu doonayay, haddana Manuel Pellegrini ayaa doonaya inuu badbaadiyo xiddigisii hore