Tababaraha xulka qaranka Slovenia, Matjaz Kek, ayaa kula taliyey Benjamin Sesko in uu iska diido dalabka kaga yimid horyaalka Sacuudiga (Saudi Pro League) isla markaana uu sameeyo go’aan “caaqibo leh” oo ku saabsan mustaqbalkiisa xagaagan.
Arsenal ayaa raadinaysa weeraryahan heer sare ah, waxayna indhaha ku hayaan weeraryahanka RB Leipzig, Benjamin Sesko, si uu u xalliyo dhibaatada gooldhalinta ee kooxda, kaddib xilli ciyaareed kale oo aanay wax koob ah ku guuleysan. Sidoo kale, Viktor Gyokeres oo ka tirsan Sporting ayaa kamid ah bartilmaameedyada.
RB Leipzig ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada ku aaddan Sesko, maadaama ay doonayaan inay ka soo kabtaan khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay inay seegaan tartanka Champions League. Kooxda reer Jarmal ayaa wada-hadallo kula jirtay Arsenal tan iyo bishii la soo dhaafay.
Waxaa la fahamsan yahay in Manchester United sidoo kale ay wadahadallo la yeesheen Sesko, kaddib markii ay si liidata u ciyaareen Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Warar soo baxay Isniintii ayaa sheegaya in Arsenal iyo RB Leipzig ay ku kala qeybsameen wadahadalladii heshiiska, iyadoo kooxda waqooyiga London lagu wargeliyay in haddii aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan £70 milyan, ay iska ilowdo heshiiska weeraryahanka 22-jirka ah ee u dhashay Slovenia.
Arsenal next season champion