Sababta Uu Lionel Messi Ugu Safray Milan Isagoo Ogsoon Inuusan Ka Hortageynin Inter Milan Oo La Ogaaday.

Waxey aheyd arrin xiiso badan in Lionel Messi uu u safray magaalada Milan xilli ay kooxdiisa kulan muhiim ah kula balansaneyd Inter Milan, indhaha caalamka oo dhan isaga ayey kusii jeedeen maadaama uu gacanta dhaawac ka ahaa.

Waxaa jiray warar dareen kicin ah oo sheegayay in Lionel Messi uu kulankaas ciyaari karay, balse marnaba suuragal uma aheyn inuu kulankaas ka qeyb galo maadaama ay qatar u noqon laheyd, si kastaba labada kooxood waxey kulankooda ku dhameysteen 1-1.

Messi iyo Ernesto Valverde waxey ku heshiiyeen inuusan ciyaarin kadib dhamaadka tababarkii ay isniintii ka horreysay kulanka lahaayeen, balse waxaa jirtay hal sabab oo xiddigaan ku qasabtay inuu soo aado magaalada Milano.

Sida ay sheegayaan warbixino laga helayo Spain, xiddiga reer Argentina wuxuu kaliya magaalada Milan usoo aaday inuu guto waajibaadkiisa kabtanimo, wuxuu talada kala wareegay Andres Iniesta sidaas darteed wuxuu doonayay inuu ka hor kulanka guto waxa ku waajibka ah kabtan walba iyo inuu kooxda dhiirigalin u sameeyo.

Balaugrana waxey dooneysaa iney ku guuleysato Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2015 markaas oo ay 3-1 koobka kaga qaadeen Juventus kulan ka dhacay magaalada Berlin.

Kulankii San Siro ka dhacay waxaa isku jawaabay Malcom oo badal kusoo galay qeybahii dambe ciyaarta iyo Mauro Icardi oo isna daqiiqadahii ugu dambeeyay kooxdiisa guuldaro ka badbaadiyay, waxaana natiijada ka dhashay in Balaugrana ay noqoto kooxdii ugu horreysay ee iska xaadirisay wareega 16-ka Champion League.