Florian Wirtz ayaa la xaqiijiyay inuu doortay ku biirista Liverpool halkii uu ka dooran lahaa Manchester City, isagoo ka walaacsanaa waxa dhici kara marka uu Pep Guardiola ka tago Etihad Stadium.
Sida uu sheegay saxafiga weyn, Dean Jones oo ka hadlayay barnaamijka Ranks FC Podcast, Wirtz ayaa ka laba-labeeyay ku biirista City sababtoo ah ma caddeyn mustaqbalka kooxda marka uu dhamaado qandaraaska Guardiola. “Waxaan u maleynayaa in arrintaas ay door weyn ka ciyaartay go’aankiisa ugu dambeeyay,” ayuu yiri Jones.
In kasta oo Manchester City ay si dadban u sheegtay inaysan tartan u galin saxiixa Wirtz sababo la xiriira qiimaha sarreeya, Jones ayaa rumeysan in kooxda wali dooneysay ciyaaryahanka da’da yar. Guardiola laftiisa ayaa la sheegay inuu aad u xiiseynayay saxiixiisa.
Si kastaba, Wirtz wuxuu doortay Liverpool, isagoo aamminsan in mustaqbalka kooxdu yahay mid deggan islamarkaana uu ka heli karo doorka uu doonayo, gaar ahaan iyadoo kooxda ay dib u dhis ku wado safkeeda xilli uu hoggaaminayo Arne Slot.
Ciyaaryahanka reer Jarmal oo 21 sano jir ah ayaa lagu soo iibsaday qiime lagu qiyaasay £116 milyan, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan ee Liverpool abid sameyso. Wirtz ayaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato hanashada horyaalka Premier League, isagoo noqonaya xiddig dhexe oo muhiim ah oo kooxda ku hoggaamiya guulo waaweyn.