Cristiano Ronaldo kama qaybgalin aaska murugada leh ee Sabtidii lagu qabtay magaalada Gondomar ee dalka Portugal, kaasoo loo sameeyay xiddiga xulka Portugal Diogo Jota (28 sano jir) iyo walaalkiis ka yar André Silva (25 sano jir), kuwaas oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Spain.
Sida uu daaha ka rogay The Mirror, Ronaldo wuxuu si ula kac ah uga baaqday inuu ka soo muuqdo magaaladaas yar, isagoo ka baqay in joogitaankiisu uu qariyo ujeeddada dhabta ah ee aaska oo ah in lagu sagootiyo labada marxuum.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay The Mirror in Ronaldo uu “ka cabsi qabay in imaanshihiisa magaalada Gondomar ay dareenka shacabka iyo warbaahinta u leexiso dhiniciisa, halkii lagu eegi lahaa duugta saaxiibkiis iyo walaalkiis.” Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa xaqiijiyay maqnaanshihiisa, iyagoo sheegay inuu Ronaldo go’aansaday inuu si gaar ah ugu tacsiyadeeyo qoyska Jota maalmaha soo socda kadib masiibadii naxdinta laheyd.
Iyadoo ay aaska ka qayb galeen xiddigo kale oo kubadda cagta ah, asxaabtiisii kooxda Liverpool, saraakiil sare iyo dadweyne fara badan, haddana maqnaanshaha Ronaldo ayaa dhaliyay hadal hayn iyo su’aalo.
Qoyska marxuumka ayaa codsaday in duugta xiddiga la xushmeeyo oo degenaansho la muujiyo, taasoo la rumeysan yahay inay ahayd sababta ugu weyn ee Ronaldo uu uga baaqday, si aysan warbaahinta iyo dareenka shacabka ugu wareegin dhankiisa.