Saadaasha Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson Kulamada Isbuuca 12-aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Manchester Derby?

Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson ayaa banaanka soo dhiggay saadaashiisa kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League, balse midna kama careysiin jamaahiirta kooxaha Man United & Man City oo isbuuca Axadda ciyaari doona kulanka Manchester Derby.

Mark oo la ogyahay sida uu ugu wacan yahay saadaalinta horyaalka Premier League, isku cel-celis ahaan todobaadkii wuxuu saxaa natiijooyinka ama tirada goolasha 65%, todobaadkaan wuxuu ka shaqeeyay saadaal ka dhigan iney mar kale barbaro noqdaan saddexda kooxood ee ugu sarreysa horyaalka kuwaas oo min 30-dhibcood isku imaan doona hadii ay wax u dhacaan sida uu saadaaliyay.

Kulanka Manchester Deby wuxuu ku saadaaliyay barbaro (1-1) halka Spurs uu dhibcaha u diiday iyana kulanka ay Crystal Palace ku booqan doonto garoonka Selhurst Park.

Arsenal waxey gurigeeda kusoo dhaweyneysaa Wolverhampton Wonders kulan dhici doona Axadda, wuxuu kulankaan ku saadaaliyay in Gunners guul muhiim ah gaari doonto markaana booska 4-aad kala bixi doonto Spurs.

Liverpool wuxuu siiyay guusha ugu weyn todobaadkaan maadaama uu qiyaasay iney 3-0 guul kaga gaari doonaan Fulham oo ah kooxda ugu hooseysa horyaalka Premier League walow ay soo iibsadeen tiro dhawr ciyaartoy ah kadib kusoo laabashadoodii horyaalka.

Dhinaca kale Blues wuxuu siiyay guul 2-0 ah kulanka ay la ciyaarayaan Everton.

SAADAASHA KULAMADA 12-AAD EE PREMIER LEAGUE (Mark Lawrenson)

KULAMADA SABTIDA:

Cardiff 1-0 Brighton

Huddersfield 1-1 West Ham

Leicester 2-1 Burnley

Newcastle 2-0 Bournemouth

Southampton 2-0 Watford

Crystal Palace 1-1 Tottenham

KULAMADA AXADDA:

Liverpool 3-0 Fulham

Chelsea 2-0 Everton

Arsenal 2-0 Wolves

Man City 1-1 Man Utd

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.