Saadaasha Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson Kulamada 9-aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyay Chelsea vs Man United?

Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson ayaa saadaashiisa ku aadan kulamada horyaalka Premier League isbuuca 9-aad miiska soo saaray, waxaana kulanka ugu weyn ee saadaashiisa laga sugayay uu yahay midka Stamford Bridge ku dhexmari doona kooxaha Chelsea & Manchester United.

Jose Mourinho ayaa dib ugu laaban doona markii saddexaad garoonka Stamford Bridge, wuxuuna doonayaa inuu guushiisii labaad oo xiriir ah kulamada horyaalka gaaro, halka Blues ay si fiican uga taxadari doonto iney ilaashato rikoorkeeda guuldaro la’aanta ee fasalkaan dhamaan tartamada oo dhan.

Si kastaba Lawro wuxuu aaminsan yahay in kulankaan uu kusoo dhamaan karo barbaro 1-1, isagoo ka hadlaya kulanka wuxuu yiri: “Waa kulan weyn, sheekada ugu weyn waxey tahay in Jose Mourinho uu dib ugu laabanayo Stamford Bridge. Waxey ila tahay inuu waqti ku filan ku laabtay, balse mar walba waxey tahay wax weyn marka uu ku laabanayo, tanina maahan mid ka duwan”

Jose wuu lumiyay saddexdii jeer uu booqday garoonkaas mudada Antonio Conte, waxaana wax xiiso leh in la sugo natiijada uu ka helo Maurizio Sarri, kaas oo shaqo cajiib ah ka yahay galbeedka Londfon.

Sidoo kale Lawro wuxuu guulo siiyay kooxaha kale ee waaweyn sida Citizens oo Etihad kusoo dhaweyn doonta Burnley, Arsenal oo Emirates kusoo dhaweyn doonta Foxes, habeenka Isniinta waxaana aad loogu falanqeyn doonaa barnaamijka Monday Night Football, sidoo kalana Spurs wax guul ah ma siinin kulanka ay London Stadium ku booqaneyso Hammers.

SAADAASHA KULAMADA ISBUUCA 9-AAD EE MARK LAWRENSON:

Chelsea 1-1 Manchester United

Cardiff 1-2 Fulham

Manchester City 3-0 Burnley

Newcatsle 2-0 Brighton

West Ham United 1-1 Tottenham

Wolves 2-0 Watford

Hudderfield 0-2 Liverpool

Everton 2-0 Crystal Palace

KULANKA ISNIINTA:

Arsenal 2-0 Leicester City

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.