Saadaasha Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson Kulamada 16-aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Blues & Citizens?

Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson ayaa saadaashiisa ka dhiibtay kulamada 16-aad ee Premier League, waana todobaad uu cadaawad ka abuurtay jamaahiirta Chelsea maadaama uu guuldaradii labaad oo xiriri ah kulamada horyaalka u saadaaliyay iney kula dhici doonto garoonkooda Stamford Bridge.

Lawro wuxuu saadaaliyay in wiilasha Guardiola ay guul raaxo leh kasoo qaadan doonaan London kulanka ay sabtida halkaas ku casuuman yahiin, waxeyna saadaashiisa ka dhigan tahay ineysan wax isbadal ah ka dhici doonin laba kaalin ee ugu horreysa maadaama uu guul siiyay Liverpool.

Chelsea ayaa weyn doonta afarta sare hadii natiijada ay sidaas u dhacdo, waxaana booska kala wareegi doona Arsenal oo ay haatan min 31-dhibcood wada leeyahiin, Gunners wuxuu guul ka siiyay Huddersfield Town kulanka sabtida dhici doona.

Dhanka kale Man United ayuu siiyay guul muhiim ah iyadoo kooxda aysan saddex dhibcood helin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, kaliya 2-dhibcood ayeyna heshay.

SAADAASHA KHABIIRKA BBC-DA LAWRENSON:

Bournemouth 0 – 2 Liverpool

Arsenal 3 – 0 Huddersfield Town

Burnley 2-0 Brighton & Hove Albion

Cardiff 2-1 Southampton

Man United 2-0 Fulham

West Ham 2-0 Crystal Palace

Chelsea 0-2 Manchester City

Leicester City 0-2 Tottenham

KULANKA AXADDA:

Newcastle 1-1 Wolves

KULANKA ISNIINTA:

Everton 2-0 Watford

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. cawa waxan guul daro u Rajeenayaa kooxda aan ugu nec bahay horyaalka primer league bug leeyda Chelsea dariska qeelada badan guuleesta ayaan idin lee yahay Chelsea 1 city 3

Comments are closed.