Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Toddobaadka 12-aad, Muxuu Ku Saadaaliyay Kulanka Axada Ee Manchester Derby, Jose Mourinho Mise Pep Guardiola?

Khabiirka caanka ku ah saadaalinta kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadlaha ah ee Paul Merson ayaa markan bilaabay saadaasha 10-ka kulan ee horyaalkaas laga dheeli doono toddobaadkan oo ah midkii 12-aad ee xilli ciyaareedka 2018-2019.

Kulamada uu Paul saadaasha ka dhiibtay ayuu kamid yahay kulanka ay is haleeli doonaan kooxaha Manchester City iyo United ee ka qabsoomi doona gegida Etihad Stadium iyo waliba kulanka Chelsea v Everton ee ka dhici doona Stamford Bridge.

Aan ku bilawnee khabiirka ayaa toddobaadkan guul u rajeeyay kooxda bandhigyada wacan ku raaxaysanaysa ee Chelsea waxaana uu filayaa inay guul ka gaadhi doonaan Everton oo uu hoggaaminayo Marco Silva.

Dhinaca kale, Paul ayaa guul u diiday kooxda ree London ee Tottenham isaga oo filanaya inaysan dhibco buuxa kala iman doonin kulanka ay booqan doonaan Crystal Palace oo ay London kawada socdaan waxaana uu filayaa in wiilasha Pochettino ay bar-bardhac geli doonaan.

Merson ayaa guusha ugu weyn toddobaadkan u rajeeyay kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool waxaana uu filayaa inay si xun u bahdili doonto kooxda dhawaan soo dalacday ee Fulham oo Anfield Road ugu imanaysa.

Sidoo kale Mesron waxa uu guul u rajeeyay kooxdiisii hore ee Arsenal oo soo dhawaynaysa kooxda Wolverhamton Wanderers walow uu shabaqa nadiif ah u diiday Gunners oo uu inbadan ku dhaliilo daafac xumo.

Ugu dambayn, Paul Merson waxa uu qabaa in Manchester City iyo Pep Guardiola ay meel iska saari doonaan Manchester United iyo Jose Mourinho saddexda dhiibcoodna kaga xayuubin doonaan gegida Etihad Stadium.

Halkan kaga boggo saadaasha Paul Merson ee PL toddobaadka 12-aad oo dhammaystiran.

Newcatsle United 0-2 Bournemouth

Southampton 1-2 Watford

Crystal Palace 1-1 Tottenham

Huddersfeild 1-2 West Ham United

Leicester City 3-1 Burnley

Chelsea 2-0 Everton

Cardiff 1-0 Brighton

Arsenal 2-0 Wolves

Liverpool 5-0 Fulham

Manchester City 3-1 Manchester United

16 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Aragtidayda dhamaan ciyaaraha waa sidan bal aan aragno siday wax u dhacaan iinsha Allah

    Newcatsle United 0-1 Bournemouth

    Southampton 1-3 Watford

    Crystal Palace 1-2 Tottenham

    Huddersfeild 1-1 West Ham United

    Leicester City 2-1 Burnley

    Chelsea 2-1 Everton

    Cardiff 1-1 Brighton

    Arsenal 3-1 Wolves

    Liverpool 4-1 Fulham

    Man city 1-2 man utd

  2. Wala arki donaa man United nasiib wa eey ku badin karrta sidi juventos uga badiyen lkin wa laga awod badan yahay dhankastaba

    Man city 4-1 man u

  3. Wala arki donaa man United nasiib wa eey ku badin karrta sidi juventos lkin wa laga awod badan yahay dhankastaba

    Man city 4-1 man u

  4. Aniga saadaasheyda meel kuqorta asxaabey
    Newcatsle United 2-2 Bournemouth
    Southampton 1-0 Watford
    Crystal Palace 2-1 Tottenham
    Huddersfeild 1-2 West Ham United
    Leicester City 3-2 Burnley
    Chelsea 1-2 Everton
    Cardiff 1-0 Brighton
    Arsenal 4-1 Wolves
    Liverpool 3-1 Fulham

  5. Kulamada todobaad kan waxan ku sadaaliyey sida . Watvod 3= 1southamton. Chalsea 2= 2everton.liverbool 5=1fulham. Man city 2 = 3 man united. Crystal place 2=2 tootenham. Arsenal 2=1 wolves. Liecester 4=1 Burnley

  6. Ugu horen ad ban idin salamaya asxabta teda kale hadan wax yar ka irahdo kulanka adag e man derby runti man city way adag tahay lkin sasay tahay magac iyo awodba walaga weyn yahay madaxda gulaha ba socota marka waxan is le yahay man city1 man united 3

  7. man city 6-0 man united city hada ka is tagto waa halis ina werarto wayay iyo fisikal labadba koxdeyda man united way ku liidataa ilaa 7 amaba loga badiyaa

Comments are closed.