Ryan Giggs, Steven Gerrard & Theirry Henry Oo Ka Dhex Muuqda Liiska Halyeeyada Dhawaan Saaxada Tababarenimo Soo Galay, Kumaa Guuleyste Noqon Doona?

Halyeeyo badan oo kubadda cagta ah isla markaana sanado kooban kahor xidhnaa kabaha kubadda cagta ayaa nasiib ku yeeshay inay haatanba xilal tababarenimo oo waaweyn ka hayaan kooxo waaweyn iyo waliba xulal magac ku leh kubadda cagta dhexdeeda.

Halyeeyga kooxaha Barcelona iyo Arsenal ee Theirry Henry ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee dhawaanahan ka hawl-gabay kubadda cagta balse haatan qaybta ka ah tababarayasha ree Yurub kaddib in gacanta loo galiyay booska tababare ee AS Monaco.

Haddaba, Waxaan halkan ku xusi doonaa liis tababarayaal ah kuwaas oo sanado yar kahor ka qayb ahaa xiddigaha garoonka gala balse haatan ah abaabulayasha kooxo iyo qaramo waaweyn.

 

Patrick Vieira – Nice

Kaddib markii uu hawl gabay sanadkii 2011, Vieira ayaa ka shaqo bilaabay akaademiyada kooxda Manchester City kahor intii aan loo magacaabin tababaraha rasmiga ah ee New York City, Waxaana ugu dambayn loo dhiibay jagada tababarenimo ee kooxda Nice.

Gennaro Gattuso – AC Milan

Gattuso ayaa hawl gabay sanadkii 2014, Shaqadiisii tababarenimo ee kooxda Sion ayaan u muuqan mid guulaysatay balse waxa uu haatan si weyn ugu dagaalamayaa sharafta kooxdiisii hore ee AC Milan.

Thierry Henry – Monaco

Henry ayaa isaga oo 37 jir ah kaga hawl gabay kubadda cagta kooxda New York City, Waxa uu ku xigeen ka noqday xulka qaranka Belgium balse ugu dambayn maanta ayaa loo xil saaray kooxdiisii hore ee Monaco.

Steven Gerrard – Rangers

Gerrard ayaa sidoo kale ku hawl gabay isla horyaalka Maraykanka balse waxa uu shaqo heer sarre ah ka helay kooxda ree Scotland ee Rangers waxaana uu haatanba u muuqdaa mid si fiican iskugu habeeyay kooxdiisa.

Ryan Giggs – Wales

Ryan Giggs ayaa waayo cajiib ah oo ciyaartoynimo lasoo qaatay kooxdiisii Manchester United oo uu 13 horyaal la qaaday, Intaa kaddib waxa uu door tababare ku xigeen ka qaatay isla Man United waxaana uu haatan yahay tababaraha rasmiga ah ee xulka dalkiisa Wales.

Filippo Inzaghi – Bologna

Inzaghi ayaa shaqadiisii ugu horreysay ee tababarenimo ka helay kooxdii uu wakhtigiisii ciyaartoynimo ku qaatay ee AC Milan walow uusan qaab fiican u maamulin, Intaa kaddib Pipo ma qalbi jabin waxaana uu markale tababare u noqday kooxda yar ee Venezia, Bandhigyo wacan oo uu halkaas kasoo sameeyay ayaana u sababay in tababare looga magacaabo kooxda Bologna.

Frank Lampard – Derby County

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa durtaba u muuqda mid ku haboon tababare kaddib horumarin weyn oo uu ku sameeyay kooxda heerka labaad ee Derby County tan iyo markii loo magacaabay.

 

Magacyada halyeeyada kale ee dhawaan helay xilalka tababarenimo ee waaweyn :

Mark van Bommel – PSV Eindhoven

Lionel Scaloni – Argentina

Marcelo Gallardo – River Plate

Sergio Conceicao – Porto

Gabriel Heinze – Velez Sarsfield

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.