Ryan Cherki: Waxaan Doonayaa Anigoo City Jooga Inaan Ku Guuleysto………….

Xiddiga reer France, Ryan Cherki, oo ah ciyaaryahan cusub oo kusoo biiray Manchester City, ayaa muujiyay hamigiisa ah inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or inta uu joogo kooxda.

Cherki ayaa warbaahinta u sheegay: “Ballon d’Or? Eeg Rodri, isaga ayaa ku guuleystay Ballon d’Or isagoo jooga Manchester City.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waa muuqataa in Manchester City aad kaga guuleysan karto Ballon d’Or, aniguna waxaan halkan u imid si aan taas u gaaro.”

Manchester City ayaa xagaagan kala soo wareegtay Cherki kooxda Lyon ee dalka France, waxaana uu saxiixay heshiis soconaya ilaa sanadka 2030.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football