Antonio Rudiger, difaaca qaranka Jarmalka iyo Real Madrid, ayaa si lama filaan ah u dhex galay hadal-heyn culus kadib markii sawir laga helay isaga oo la fadhiya agaasimaha kooxda Sucuudiga ah ee Al-Nassr, Fernando Hierro, xilli ay ku sugnaayeen maqaaxi caan ah.
Warbixin kasoo baxday wargeyska caanka ah ee Marca ayaa si degdeg ah u xaqiijisay in kulankaasi uusan wax shaqo ah la lahayn mustaqbalka Rudiger ee Real Madrid. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo gudaha ah:
“Kulankaas wuxuu ahaa mid shakhsi ah,waxaan qeyb ka ahaa dad kale oo aan wax xiriir ah la lahayn ciyaaraha. Rudiger kuma fekerayo inuu xagaagan ka tago Real Madrid.”
Rudiger, oo ka mid ah tiirarka difaaca Los Blancos tan iyo markii uu kaga yimid Chelsea, ayaa haatan ka soo kabsanaya qalliin dhanka jilibka ah, isaga oo rajeynaya inuu diyaar u noqdo Koobka Adduunka ee Naadiyada.
Waxaa la filayaa inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka dambe, waxaana kooxda u qorsheysan in difaacooda birta ah uu qeyb ka noqdo qorshayaasha Alonso ee xilli ciyaareedka cusub.