Daafaca dhexe ee Real Madrid, Antonio Rüdiger, ayaa saadaaliyay inuu dhici doono kulan “aad u adag” marka Los Blancos ay wajahaan Paris Saint-Germain wareega semi-finalka Koobka Adduunka ee Naadiyada (FIFA Club World Cup) oo ka dhacaya Mareykanka.
Labada kooxood ayaa boosaskooda afar dhammaadka xaqiijiyay Sabtidii, kadib markii ay ka adkaadeen Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.
Real Madrid ayaa 3-2 kaga adkaatay Dortmund, halka PSG ay 2-0 uga badiyeen Bayern Munich.
Labada kooxood ayaa hadda ku laaban doona MetLife Stadium maalinta Arbacada si ay u ciyaaraan kulanka weyn ee semi-finalka.
Rüdiger oo la hadlay saxaafadda kadib guushii Dortmund ayaa yiri:
“PSG waa koox aad u adag.
Waxay muujiyeen inay ka mid yihiin kooxaha ugu fiican Yurub marka laga eego qaab ciyaareedkooda, wuxuu noqon doonaa kulanka mid adag.
Laakiin annagu waa nahay Real Madrid, diyaar ayaana u nahay caqabad kasta.”
Si kastaba ha ahaatee, Rüdiger waxa uu waayi doonaa lammaanihiisa difaaca ee Dean Huijsen kulanka PSG, kadib markii daafaca reer Spain uu kaarka cas qaatay kulankii Dortmund.