Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay inuusan ka qoomameyneyn inuu shaqada kooxda qabtay bartamaha xilli ciyaareedka, inkastoo uu xilli ciyaareedku ahaa mid aad u xun.
Manchester United ayaa halis ugu jirta inay ku dhamaysato kaalinta 17-aad ee Premier League, waxaana cadaadis xooggan saaran yahay Amorim kaddib guuldarradii Arbacadii ka soo gaartay Tottenham Hotspur kulankii finalka Europa League.
Amorim ayaa rumeysan in imaanshihiisa xilliga hore ka caawin karto saldhigashada xilli ciyaareedka cusub, isagoo yiri: “Waqti xaadirkan aad ayaan ugu faraxsanahay in aan imaaday lix bilood ka hor intaan xilli ciyaareedka cusub la kowsan lahaa.
“Waxaan ka fogaanay khaladaad badan oo dhici lahaa xilli ciyaareedka dambe. Waxaan ka badbaadnay dhibaatooyin badan.”