Ruben Amorim Oo Si Cadho Leh Uga Hadlay Guuldarradii Kooxdiisa Kasoo Gaartay ASEAN All stars

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si cad u muujiyey walaaca uu ka qabo xaaladda maskaxeed ee ciyaartoydiisa kaddib guuldarro lama filaan ah oo ay kala kulmeen kooxda ASEAN All Stars.

Inkastoo kooxda ay si wanaagsan ku dhamaysatay kulankii ugu dambeeyey ee Premier League, Amorim ayaa sheegay in qaab ciyaareedkii maanta uu ahaa mid si buuxda uga duwan kii hore.

“Ciyaartii ugu dambeysay ee Premier League si fiican ayaanu u ciyaarnay, waxaana la ciyaarnay koox u dagaallameysay in ay Champions League gasho. Laakiin maanta si buuxda ayey nooga duwaneyd.”

Waxa uu xusay in guuldarradu aysan ahayn kaliya natiijo xun, balse ay muujinayso in ay jirto dhibaato xagga dhiirigelinta iyo niyadda kooxda.

“Walaaceyga ugu weyn waa in ciyaar kasta, xitaa haddii ay tahay ciyaar yar oo waddada lagu ciyaaro, aan u baahannahay in aan dareen guul raadis ah muujinno. Ciyaar kasta, jimicsi kasta waa in aan ku dadaalnaa guusha.”

Amorim waxa uu sheegay in inkastoo falsafadda tababarka ay muhiim tahay, maskaxda guuleysiga iyo joogtaynta dadaalka ay aad u muhiimsan yihiin.

“Tababare kasta wuxuu leeyahay fikir u gaar ah oo uu aaminsan yahay. Haa, wax baa la beddeli karaa, balse waxaan heerkan ku soo gaaray anigoo aaminsan waxyaabo gaar ah. Waan ogahay inaan u baahan nahay horumar, laakiin aad ayaan ugu kalsoonahay kooxda.”

Inkasta oo uu United ku hoggaamiyey xilli-ciyaareed guuldarrooyin badan ah gudaha dalka iyo Yurub, hadana maamulka kooxda ayaa u muuqda kuwo wali ku aamin qaba Ruben Amorim. Wuxuu isna u muuqdaa mid go’aansaday in maskaxda guuleysiga noqoto furaha mustaqbalka kooxda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football