Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga xagaagan, ka hor ciyaarta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.
“Waxaan leenahay xeer ah in aanan noqon macallinka dooranaya ciyaartoyda. Waa go’aan wadajir ah. Ciyaaryahan kuma yimaado kooxda oggolaansho la’aanteyda, balse sidoo kale ma dhici karto in la iga hor istaago haddii aan oggolahay,” ayuu yiri Amorim.
“Waxaan dhiseynaa nidaamkan si aan u horumarino habka aan u xulaneyno ciyaartoyda. Aniga ahaan, waxa ugu muhiimsan waa in la fahmo sida aan rabno inaan u ciyaarno.”
“Haddii aad leedahay aragti cad oo ku saabsan qaabka ciyaarta, waxaad si fudud u tilmaami kartaa ciyaartoy gaar ah oo ku habboon. Waxaan qaadaynaa tallaabooyin lagu wanaajinayo arrintan gudaha kooxda.”