Ruben Amorim Oo Shaaciyay Hal Arrin Oo Ka Cadheysiisay Ciyaartoyda Manchester United

Ruben Amorim ayaa kulan la yeeshay madaxda iyo milkiilayaasha Manchester United ee ku sugan Monaco.

Kadib guuldarradii 0–1 ee ay kala kulmeen Tottenham finalka Europa League, tababaraha United ayaa u duulay Monaco si uu uga qeyb galo shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee kooxda. Caadiyan, shirka noocan ah laguma casuumo tababaraha. Guddigan oo bishiiba mar kulma waxaa ka mid ah maamulka sare iyo milkiilayaasha kooxda.

Maalintii xigtay, Amorim wuxuu ku laabtay Manchester wuxuuna si shaqsi ah ugu sheegay ciyaartoyda inuu sii ahaanayo tababaraha kooxda.

“Had iyo jeer waxaan u furanahay wadahadal—haddii maamulka ama taageerayaashu go’aansadaan inaanan ahayn qofka ku habboon shaqadan, waan tagi doonaa maalinta xigta, xitaa iyadoo aan la isku raacin wax magdhaw ah.

“Laakiin anigu iskama tagi doono. Waxaan aaminsanahay shaqadayda. Sida aad u jeedaan, ma doonayo inaan wax ka beddelo habka aan u shaqeeyo,waa inaan ku adkeystaa hab dhismeedka shaxdeyda, dad badan oo ciyaartoyda kooxda ma aaminsana habkan” ayuu yiri Ruben Amorim, tababaraha Manchester United.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football