Sida laga soo xigtay David Ornstein oo ka tirsan The Athletic, Ruben Amorim ayaa u sheegay ciyaartoyda Manchester United in uu sii wadi doono hogaaminta kooxda, isla markaana uu Alejandro Garnacho u sheegay inuu raadsado naadi cusub.
Tababaraha ayaa warbaahinta u sheegay inuu diyaar u yahay inuu iscasilo kadib guuldarradii ka soo gaartay final-kii Europa League haddii kooxda ay sidaas ku amarto.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahaasi kuma jiro ajandaha kooxda, waxaana Amorim uu si toos ah ula hadlay ciyaartoyda si uu ugu caddeeyo inuu sii joogayo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Garnacho uu xor u yahay inuu baxo kadib markii uu ka cawday in uu kaliya 20 daqiiqo ciyaarsiiyay kulankii Tottenham ee Arbacadii.
Bruno Fernandes laguma darin fariintaas, inkastoo uu isagu sheegay inuu diyaar u yahay inuu baxo haddii kooxda ay rabto inay ka macaashto.
Garnacho iyo walaalkiisba waxay baraha bulshada ku daabaceen fariimo toos ah, iyadoo walaalkiis uu ku eedeeyay Amorim inuu “hoos u dhigay saameynta Garnacho.”
Weli lama oga in Garnacho uu qeyb ka noqon doono kulankii ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka marka United ay Axadda la ciyaarayso Aston Villa.