Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si buuxda u taageeray Bruno Fernandes inuu sii ahaado kabtanka kooxda, inkasta oo uu dhawaan shaki geliyay mustaqbalkiisa.
Amorim, oo ay soo xigatay ESPN, ayaa yiri: “Waxaan la kulannay waqtiyo adag xilli ciyaareedkan. Waqtiyadaas adag waxaad ka garan kartaa in Bruno uu ahaa ciyaaryahan qaatay mas’uuliyadda ugu ballaadhan ee kooxda.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waa sida ay tahay in uu ahaado, waayo waa kabtanka Kooxda. Wuxuu leeyahay khibrad, wuxuuna noo yahay ciyaaryahan aad muhiim u ah marka la eego waxa aan rabno inaan kooxda ka dhigno mustaqbalka.”
Fernandes ayaa weli ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee kooxda, inkastoo su’aalo laga keenay haddii uu sii joogi doono Old Trafford xagaagan.