Ruben Amorim: ‘Dareenka wuxuu yahay in Bruno Fernandes uu doonayo inuu sii joogo Manchester United, laakiin weligaa lama hubo’
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ka hadlay wararka isa soo taraya ee la xiriira suurtagalnimada uu Bruno Fernandes ugu wareegi karo kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al Hilal, isagoo bixiyay aragti ku saabsan fikirka Bruno ee mustaqbalkiisa.
Amorim wuxuu yiri:
“Dabcan, anigu waxaan ahay tababaraha United, laakiin mararka qaar go’aanka waxaa leh ciyaaryahanka.
“Waan la hadlay, waxaan u sharraxay waxyaabaha aan hiigsaneyno, waana dareemi kartaa – marka aad qof la hadasho, waxaad garaneysaa haddii uu doonayo inuu sii joogayo iyo hadii kale. Xilli ciyaareedkan, ciyaaro badan ayuu niyad-jab abuuray, laakiin wuu fahamsan yahay waxa aan qabaneyno.
“Markasta oo aan la hadlo, dareenkaygu wuxuu yahay in Bruno rabo inuu sii joogo Manchester United – laakiin weli maan hubin go’aankiisa