Katia Aveiro oo ah gabadh ay walaalo yihiin xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, ayaa si kulul uga jawaabtay dhaleeceynta loo jeediyay walaalkeed kaddib maqnaanshihiisa aaska ciyaaryahanka Liverpool ee Diogo Jota.
Wargeyska A Bola ee dalka Portugal ayaa sheegay in Ronaldo uu si ula kac ah uga baaqday aaska si uusan u dhalin buuq saxaafadeed oo sii kordhin lahaa murugada qoyska Jota iyo walaalkiis, xilli ay u baahnaayeen xasillooni iyo xushmad.
Katia ayaa ku tiri bartaheeda Instagram:
“Markii aabbahay geeriyooday, dhibtu waxay ahayd mid ka badan khasaaraha laftiisa… waxa ugu murugada badnaa waxay ahayd sawir-qaadayaasha iyo dadkii u soo daawashada yimid xabaasha – meel walba buuq ayaa jiray. Xabaalo ayaa la burburiyay, dad ayaa darbiyo ka booday si ay sawirro u qaataan, xushmad la’aan darteed.”
Waxay sii raacisay:
“Xitaa si sharaf leh uma aanan bixi karin… waxaa halkaas joogay masuuliyiin iyo tababaraha xulka qaranka, laakiin ma xasuusto cid ii timaadday… xanuunka ayaa igu filnaa.”
Katia ayaa si adag u caddeysay:
“Ciddii eedeyneysa walaalkay ama shaki gelinaysa taageeradiisa, lama doodi doono – waan blok-gareyn doonaa. Waxaan ka daalay eedeyn aan sabab lahayn iyo xag-jirnimo indho la’aan ah. Bulshadeennu waa buktaa… xanuun la’aan, wacyi la’aan.”
Waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay:
“Waxaa wax laga xumaado ah in warbaahinta iyo baraha bulshada ay xoogga saaraan maqnaanshaha Ronaldo halkii ay u muujin lahaayeen xushmad qoyska murugeysan ee labada caruur waayay. Waxaan ka xumahay xaqiiqadaas. Dunidu sidaas ayay noqotay… aragtiyo aan qiimo lahayn iyo dad aan qalbi lahayn ayaa isugu yimid.”