Ronaldo Oo War Weyn Oo Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Al Nassr

Kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu kasii dheeli doono kooxda Al Nassr ee dalka Sacuudiga.

Ronaldo ayaa hadalkan sheegay kadib guushii xulkiisu ka gaaray Spain kulankii kama dambaysta ahaa ee UEFA Nations League. Wuxuu yiri:

“Mustaqbalkayga? Runti, waxba isma beddelayaan. Sii joogitaanka Al Nassr? Haa, Waan sii joogayaa.”

Sida uu qoray wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano Isniintii, Ronaldo oo 40 sano jir ah ayaa haatan diyaar u ah inuu qalinka ku duugo heshiis cusub si uu mustaqbalkiisa ugu sii xiro kooxda Sacuudiga.

Qandaraaska xiddigan ayaa dhacaya dhammaadka bishan Juun, waxaana jiray mugdi ka taagnaa wada-hadalladii heshiis kordhinta, taasoo keentay su’aalo badan oo la iska weydiinayay halka uu ku dambeyn doono.

Ronaldo, oo shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or, ayaa ku biiray Al Nassr bishii December 2022 kadib markii la burburiyay qandaraaskiisii Manchester United.

Imaatinkiisii Sacuudiga ayaa noqday isbeddel weyn oo dhanka kubadda cagta ah, isaga oo xiisaha caalamiga ah u jeediyay horyaalka Sacuudiga isla markaana horseeday in ciyaartooy caan ah ay halkaas u dhaqaaqaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football