Kabtanka kooxda Al-Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa si dadban u muujiyay inuu ka tagayo kooxda ka ciyaarta Saudi Pro League, iyadoo la shaaciyay kooxaha uu ku biiri karo xagaagan.
Ronaldo ayaa dhaliyay gool kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka oo ay Al-Nassr la ciyaartay Al-Fateh habeenkii Isniinta, balse waxay guuldarro 3-2 ah kala kulmeen kooxdaas.
Inkasta oo uu Ronaldo ku guuleystay kabta dahabka ah ee Saudi Pro League (gooldhalinta ugu badan), haddana kooxda Al-Nassr waxay xilli ciyaareedka ku dhameysatay kaalinta saddexaad, taas oo ka dhigtay inaysan xaq u yeelanin inay ciyaaraan tartanka AFC Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Kaddib ciyaarta, Ronaldo ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay:
“Cutubkan nolosheyda ah wuu soo dhammaaday,” isagoo sawir isaga oo xiran funaanadda Al-Nassr raaciyay hadalka.
Sida laga soo xigtay shirkadda saadaasha ciyaaraha ee Betfair, kooxaha uu Ronaldo ku biiri karo hadda waa:
Koox kasta oo ka tirsan Major League Soccer (MLS) – 3/1
Sporting CP (kooxdiisii hore ee Portugal) – 3/1
Al-Hilal (koox ka dhisan Sacuudi Carabiya) – 4/1
Galatasaray (Turkey) – 17/2
Napoli (Italy) – 14/1
Manchester United (ku noqosho suurtagal ah) – 25/1