Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu sii joogo Al-Nassr oo uu saxiixo heshiis cusub, balse kaliya haddii kooxda ay siiso dammaanad rasmi ah oo lagu dhisayo koox awood u leh hanashada koobabka waaweyn, sida uu qoray TEAMtalk.
Inkasta oo Ronaldo uu oggolaaday qodobo horudhac ah oo heshiis cusub ah oo soconaya ilaa xagaaga 2026, haddana wuxuu u hakiyay wadahadallada sababo la xiriira niyad-jab ka dhashay jihada iyo guul la’aanta kooxda. Qandaraaskiisa hadda wuxuu ku eg yahay 30-ka Juun, iyadoo Al-Nassr ay u bandhigtay mushaar dhan €200m si uu hal xilli ciyaareed kale u sii joogo uguna diyaargaroobo Koobka Adduunka ee 2026 ee lagu qaban doono Waqooyiga Ameerika.
Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 35 gool 41 kulan, balse Al-Nassr waxay ku dhammeysatay kaalinta saddexaad ee horyaalka, iyadoo aanan wax koob ah ku guuleysan. Waxay si degdeg ah uga hadheen koobabka gudaha, waxaana lagu reebay wareega afar dhamaadka Champions League-ga Asia.
Isagoo muujinaya niyad-jab, Ronaldo wuxuu baraha bulshada ku qoray: “Qaybtan way dhamaatay. Qisadu weli way socotaa. Waan u mahadcelinayaa dhammaan.”
Kulamo uu la yeeshay Maalgeliyaha Dadweynaha Sucuudiga (PIF), oo iska leh Al-Nassr, kadib, Ronaldo wuxuu si cad u sheegay in uu rabbo dammaanad buuxda oo muujinaysa in mashruuc tartan gal ah la diyaarinayo. Wuxuu weli diyaar u yahay inuu sii joogo haddii shuruudahaasi la fuliyo.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xiddiga, Ronaldo ma xiiseynayo inuu ku biiro koox kale oo hoos timaadda PIF. Wuxuu sahaminayaa fursado dibadda ah ama kooxo kale oo Sucuudiga ah oo aan ku jirin gacanta PIF. Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxo ka qeybgalaya Koobka Adduunka ee Naadiyada sida Botafogo iyo Al-Hilal.
Inuu si lama filaan ah u fariisto lagama saarin suurtagalnimada, hase yeeshee Ronaldo wuxuu weli rajeenayaa inuu matalo xulka Portugal ee Koobka Adduunka 2026.