Halyeyga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu hal xilli ciyaareed oo dheeraad ah la sii joogo kooxda Sacuudiga ee Al-Nassr, sida ay sheegtay Al-Riyadiyah. Tallaabooyin aan caadi aheyn ayaa la qaaday kaddib markii heshiis kama dambeys ah la gaaray labada dhinac.
Kabtanka iyo weeraryahanka 40-jirka ah ayaa qandaraaskiisa la kordhin doonaa ilaa inta laga gaarayo Koobka Adduunka ee 2026, markaas oo go’aan laga gaari doono haddii Ronaldo uu ciyaarista sii wadayo ama uu hawlgab noqanayo. Qiyaastii afar bilood ka hor, Al-Riyadiyah ayaa sheegtay in maamulka Al-Nassr ay heshiis la gaareen Ronaldo oo dhawaan la qaaday UEFA Nations League xulka Portugal, si qandaraaskiisa hal sano loogu kordhiyo iyadoo ay jirto ikhtiyaar wadahadal dib loogu bilaabi karo marka heshiiska dhamaado.
Ronaldo wuxuu Al-Nassr ugu biiray si bilaash ah bishii Janaayo 2023, wuxuuna kooxda la qaaday Koobka Boqor Salman ee Naadiyada Carabta. Faahfaahinta dhabta ah ee heshiiska cusub lama shaacin, hase yeeshee ilo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in la filayo inuu la mid noqdo kii hore.
Tan iyo markii uu ku biiray Al-Nassr, Ronaldo wuxuu dhaliyay 93 gool, wuxuu labo xilli ciyaareed oo isku xigta ku guuleystay abaalmarinta gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka, wuxuuna jabiyay rikoodhkii goolasha ugu badnaa hal xilli ciyaareed ee Professional League-ka, isagoo dhaafay rikoodhkii uu hore u hayay weeraryahankii reer Morocco ee Abdel Razak Hamdallah oo u ciyaara Al-Shabab.