Cristiano Ronaldo ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu mustaqbalka noqdo tababare, isagoo sheegay: “Tababare noqoshadu marnaba kuma jirin qorshayaashayda.”
Ronaldo wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxdiisa Al-Nassr, kaddib markii uu saxiixay heshiis laba sano ah oo dheeri ah, taasoo ka dhigan inuu la joogi doono Al Nassr ilaa 2027, markaasoo uu noqon doono 42 jir.
Isagoo ka hadlayay kadib heshiiskaas cusub, Ronaldo wuxuu sheegay inuu helay dalabyo uu kaga qeyb gali lahaa Koobka Adduunka ee Naadiyada ee socda, balse uu diiday si uu u nasto uguna diyaargaroobo waxa laga yaabo inuu noqdo Koobka Adduunka ee ugu dambeeya ee uu ciyaaro sanadka 2026.
Ronaldo wuxuu yidhi:
“Kaliya uma imaanin inaan ciyaaro kubadda cagta. Waxaan halkaan u joogaa inaan ka mid noqdo isbeddelka dalka iyo dhaqanka… Waxaan ahay qayb ka mid ah geeddi-socodkaas, sidaan horey u iri, waxaan ka tirsanahay Sacuudi Carabiya. Waxaan ahay reer Portugal, laakiin waxaan ka tirsanahay Sacuudiga.”
Wuxuu ammaanay isbeddellada ka socda Sacuudi Carabiya iyo hoggaaminta dalka, isagoo sheegay:
“Mashruuc kasta oo qayb ka ah koritaanka dalka, dabcan waan ka qeyb qaadanayaa. Waxaan rabaa inaan ka caawiyo beddelidda aragtida laga qabo Sacuudiga.”
Markii la waydiiyay mustaqbalkiisa ciyaareed, Ronaldo wuxuu si cad u yiri:
“Inaan noqdo tababare? Waan kuu sheegi karaa haatan – marnaba ma noqon doono tababare. ‘Marnaba’ waa eray culus, laakiin waligeed kuma jirin qorshayaashayda, shan sano, toban, ama labaatan sano.”
Ronaldo, oo dhaliyay in ka badan 930 gool oo xirfaddiisa ciyaareed ah, wuxuu xusay in diiradda uu saarayo kooxda iyo qaranka, isagoo hiigsanaya Koobka Adduunka ee 2026 ee ka dhici doona Waqooyiga Ameerika.