Cristiano Ronaldo, oo ah halyeyga kubadda cagta Portugal, ayaa markale ka digay cadaadiska xad-dhaafka ah ee saaran wiilka 17-jirka ah ee reer Spain, Lamine Yamal.
Ka dib markii uu ka caawiyay dalkiisa Portugal inay ku guuleystaan UEFA Nations League fiidkii Axadda, Ronaldo wuxuu sheegay in Yamal uu yahay ciyaaryahan mustaqbal weyn leh, balse wuxuu uga digay in cadaadis aan loo baahnayn la dul saaro.
Yamal ma uusan badbaadin kooxdiisa Spain, kuwaasoo guuldarro rigooreyaal kala kulmay Portugal, kadib ciyaar barbaro 2-2 ku dhammaatay waqtigii caadiga ahaa iyo waqtigii dheeriga ahaa.
Xiddiga Barcelona ee 17-jirka ah ayaa si weyn loola barbardhigay ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta, sida Ronaldo iyo Lionel Messi.
Ronaldo ayaa yiri:
“Lamine wuxuu ku guuleysan doonaa koobab badan oo kooxeed iyo mid shaqsi ah. Waa ciyaaryahan mucjiso ah.”
“Wuxuu yeelan doonaa xirfad dheer, wuxuuna ku guuleysan doonaa Nations League-yo badan.”
“Waa 17 jir… Fadlan, ka daaya cadaadiska. Waxaan idinka codsanayaa inaad isaga iska daysaan. Waa inuu dareemaa deganaansho”
Ronaldo wuxuu muujiyay in Yamal uu leeyahay karti uu ku gaari karo heerar sare, haddii loo daayo inuu si dabiici ah u koro oo aan la saarin culays aan loo baahnayn.