Ronald Araujo ayaa xilli ciyaareedkan inta badan kursiga keydka fadhiyay kooxda FC Barcelona, iyadoo tababare Hansi Flick uu doorbiday Inigo Martinez iyo Pau Cubarsi.
Si kastaba, isagoo la hadlayay warbaahinta kadib safar uu ugu baxay dalkiisa Uruguay si uu ugu biiro xulka qaranka, Araujo ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ka tagi doono Barca xagaagan.
“Waxaan jooga mid ka mid ah naadiyada ugu wanaagsan adduunka, waxaan ahay mid ka mid ah kabtannada kooxda,” ayuu yiri Araujo.
“Weli sannado badan iyo wax wanaagsan ayaa nagu soo wajahan. Tababaraha wuu i jecel yahay, taageerayaashuna sidoo kale way i jecel yihiin.
“Waan sii joogayaa kooxda. Qandaraaskeyga wuxuu soconayaa ilaa Juun 2031,” ayuu ku daray Araujo.
Araujo wuxuu aad ugu dhowaa inuu u saxiixo Juventus bishii Janaayo, kahor inta uusan go’aan ka beddelin oo uusan saxiixin qandaraas cusub si uu u sii joogo Barca.
Si kastaba ha ahaatee, wali way adag tahay in uu boos joogto ah ka helo kooxda isagoo ay safka ku heystaan Cubarsi iyo Inigo xagga kala hormarinta daafacyada.