Rodrygo Oo Xulka Brazil Looga Saaray Sababahan Aawgood

Warbixin ka timid TNT Sports ayaa daaha ka qaaday in xiddiga Real Madrid, Rodrygo Goes, aanan lagu casuumi doonin xulka qaranka Brazil kulamada caalamiga ah ee bisha Juun.

Sida uu sheegay kanaalka TNT Sports, Rodrygo ayaa la sheegay inuu ka codsaday Carlo Ancelotti inaanan loogu yeerin xulka Brazil, maadaama uusan si buuxda u diyaarsaneyn jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Rodrygo uu si rasmi ah ugu sheegay tababaraha reer Talyaani inuu u baahan yahay nasasho, isagoo sharaxay inuusan ku jiri doonin xaalad ciyaareed oo heer sare ah toddobaadyada soo socda.

Rodrygo ayaa seegay kulamo dhowaanahan ah oo Real Madrid ah, sababo la xiriira dhaawacyo iyo xaalad maskaxeed oo aan wanaagsaneyn.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Carlo Ancelotti uu shalay ka tagay kooxda Real Madrid, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda u safro Brazil si uu u bilaabo shaqadiisa cusub ee tababarenimo ee xulka qaranka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football