Rodrygo Oo La Ogaaday Sababta Uusan Weli Go’aan Kama Dambeys Ah Uga Gaarin Mustaqbalkiisa Real Madrid

Xiddiga Real Madrid, Rodrygo Goes, ayaa dib u dhigay go’aanka ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed ilaa uu la hadlo tababaraha cusub ee kooxda, Xabi Alonso.

Rodrygo, oo ahaa ciyaaryahan muhiim u ahaa kooxda xilliyaadii hore, ayaa wajahaya hubanti la’aan kadib imaanshaha Kylian Mbappe iyo isbeddeladii farsamo ee uu keenay tababarihii hore Carlo Ancelotti. Taasi waxay keentay in doorkiisii kooxda hoos u dhaco.

Wargeyska AS ayaa sheegaya in Arsenal, Chelsea iyo Manchester City ay xiisaynayaan saxiixiisa, balse Rodrygo weli ma dalban inuu baxo, isagoo doonaya inuu ogaado qorshaha tababaraha cusub ka hor inta uusan qaadan go’aan kama dambeys ah.

Xabi Alonso oo si rasmi ah ula wareegay shaqada tababarka Madrid ayaa ka yiri shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay:

“Rodrygo waa ciyaaryahan Real Madrid ah. Waan la hadli doonaa dhammaan ciyaartoyda. Waa laacib heer sare ah, waanan u baahannahay.”

Wadahadalka u dhexeeya Alonso iyo Rodrygo ayaa noqon doona mid go’aan ka gaaraya mustaqbalkiisa – inuu sii joogo Santiago Bernabeu mise uu u wareego Premier League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football