Rodrygo Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya Inuu Ronaldo Al Nassr Kula Midoobayo

Helo Combanolo, oo ah la-taliyaha warbaahinta ee xiddiga reer Brazil Rodrigo Goes, kana tirsan Real Madrid, ayaa si cad u beenisay wararka dhawaanahan la xiriirinayay ciyaaryahanka iyo kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga, iyada oo arrintaas ku tilmaamtay “wax aan suurtagal ahayn” xilligan.

Combanolo waxay xaqiijisay in Rodrigo uusan helin wax dalab rasmi ah oo kaga yimid Al-Nassr muddadii lasoo dhaafay, iyadoo intaas ku dartay in ciyaaryahanku haatan si buuxda diiradda u saarayo tababarka uu la leeyahay kooxda boqortooyada ee Real Madrid, kaas oo ka socda gudaha Mareykanka.

Waxay sidoo kale caddeysay in Rodrigo uu si buuxda diiradda u saarayo ku nagaanshaha Real Madrid, isla markaana uusan wax dan ah ka lahayn wararka ama xanta la xiriirinaya horyaalka Sacuudiga xilligan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada in Rodrigo mustaqbalka u wareego horyaalka Sacuudiga, waxay sheegtay in aysan jirin wax xog ah ama horumar la xiriira arrintaas oo hadda laga hadli karo, taasoo muujinaysa in qorshahaas aanu miiska saarnayn.

Shabakadda Sky Sports ayaa sababtay hadal heyn badan kaddib markii ay ku sheegtay warbixin in Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu Rodrigo ku tashkiiliyo Al-Nassr, qaybna ka yahay qorshe lagu xoojinayo kooxda iyadoo lala soo saxiixanayo xiddigo caalami ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football