Rodrygo Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Real Kadib Kulan Uu La Qaatay Alonso

Sida laga soo xigtay Marca, Gunners ayaa si dhow ula socotay xaaladda Rodrygo kadib markii Madrid ay la soo saxiixatay weeraryahanno cusub oo magac leh.

Arsenal waxay rajaynaysay inay soo jiitaan xiddiga reer Brazil iyadoo u ballanqaadaysay door muhiim ah, maadaama laga walaacsanaa waqti ciyaareedkiisa oo yaraaday.

Haatan, Rodrygo ayaa si farxad leh ula tababaranaya Xabi Alonso, wuxuuna ka laabtay fikirkii uu ka heystay ka tagista kooxda.

Xiddigan 24 jirka ah ayaa weli ay ka go’an tahay inuu weli mustaqbalkiisa kusii dhiso garoonka Bernabeu, taasoo soo afjareysa rajadii Arsenal ay ka qabtay inay xagaagan lasoo wareegto.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football