Wararka ka imaanaya Relevo ayaa sheegaya in Rodrygo Goes uu si dhab ah ugu dhow yahay inuu ka tago Real Madrid xagaagan, haddii dalab culus oo rasmi ah la keeno.
Si ka duwan bilihii hore, haatan kooxda Los Blancos waxay diyaar u tahay inay aqbasho dalab gaaraya ilaa €100 milyan si ay u fasaxdo weeraryahanka reer Brazil.
Rodrygo ayaa hore loola xiriiriyay kooxo ka dhisan Premier League-ka, gaar ahaan Arsenal, oo raadinaysa xiddig weerarka bidix ka ciyaara. Sidoo kale, kooxo reer Saudi Arabia ah ayaa la filan karaa inay u dhaqaaqaan saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Rodrygo laftiisu wuxuu weli doorbidayaa inuu sii joogo Real Madrid oo uu guulo la gaaro, balse xaaladda suuqa iyo isbedelada kooxda ayaa noqon kara kuwo ku qasbaya inuu u guuro meel kale.
Waxaa isha lagu wada hayaa qorshaha dhabta ah ee ay Real Madrid ka damacsan tahay Rodrygo.