Robertson Oo War Weyn Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Andy Robertson ayaa si rasmi ah uga hadlay mustaqbalkiisa, isagoo sheegay in wadahadallo hordhac ah oo ku saabsan kordhinta qandaraaskiisa ay u socdaan Liverpool.

“Waan ka wadahadalnay, dabcan waan ka wadahadalnay,” ayuu yiri Robertson.

“Kooxdu waxay la yeelatay wada hadal wanaagsan wakiilkeyga iyo aniga, laakiin mustaqbalka waxa dhici doona lama hubo.”

“Waxa kaliya ee aan ogahay waa in berri aan u duulayo fasax, waana mid si weyn ii anfacaya. Waxaan u baahanahay nasasho kadib xilli ciyaareed dheer. Kadibna waxaan dib ugu soo noqonayaa isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub — taas ayaana ah halka maskaxdaydu ku jirto. Marnaba hore uma eegin wax fog, mana bilaabi doono hadda.”

Markuu dib u milicsaday xaaladiisa, Robertson wuxuu raaciyay:

“Waan ogahay meesha aan taaganahay. Hal sano ayaa ka hartay qandaraaskeyga, waxaana la hadal hayaa wax badan, laakiin diiraddaydu hadda waxay tahay inaan noqdo aabe muddo usbuucyo ah oo aan waqti la qaato carruurteyda”

“Kadibna waxaan isku dayi doonaa inaan si buuxda u soo laabto oo u diyaar garoobo xilli ciyaareedka cusub. Marka go’aamada ay yimaadaan, markaas ayaan arki doonaa waxa dhici doona.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football