Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay daafaca bidix ee Liverpool, Andy Robertson, xilli ay diyaar u yihiin inay xagaagan suuqa ka helaan khad difaac oo waayo arag ah.
Tababaraha Atletico, Diego Simeone, ayaa doonaya daafac bidix oo khibrad leh, waxaana Robertson uu noqday bartilmaameed cusub kaddib markii ay kooxda ka baxday xiisihii ay u hayeen Lucas Digne oo ay Villa ku doonayeen £10 milyan. Robertson ayaa qiimihiisa la sheegayaa inuu yahay qiyaastii £5 milyan, iyadoo uu hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Liverpool, taasoo ka dhigan in haddii la sugo uu si bilaash ah uga tegi karo xagaaga dambe.
Liverpool Oo Ka Dhur sugeysa Milos Kerkez
Isla waqtigaas, Liverpool ayaa lagu wadaa inay dhammeystirto saxiixa Milos Kerkez oo ka tirsan Bournemouth, waxaana la filayaa inuu si toos ah ula wareego booska Robertson ee daafaca bidix, isagoo noqonaya doorashada koowaad ee kooxda.
Haddii Robertson uu ka tago Anfield, waxa ay calaamad u noqon doontaa dhamaadka toddobo sano oo guulo leh oo uu la qaatay Liverpool – waxaana uu kula guuleystay kooxda:
2 horyaal oo Premier League ah
1 Champions League ah
Istaraatijiyadda Suuqa Ee Liverpool
Sii deynta Robertson ayaa sidoo kale la jaanqaadaysa qorshaha dhaqaale ee Liverpool oo raadinaysa inay lacag dib u helaan kaddib markii ay horey u bixisay:
£146m oo ay kusoo iibsadeen Florian Wirtz iyo Jeremie Frimpong
£40m kale oo ku baxeysa Kerkez haddii ay dhammeystiraan saxiixiisa.
Robertson, oo 30 jir ah, ayaa la filayaa inuu si fiican ugu habboonaan karo nidaamka difaac ee Diego Simeone, iyadoo heshiis qiimo jaban uu u noqon karo xalka Atletico ee daafaca bidix xilli ciyaareedka soo socda.