Robbie Savage Oo Saadaalin Geesinimo Leh Ka Sameeyay Kulanka Manchester Derby – Taageerayaasha Man United Ma Jecleysan Doonaan

Deriska qeylada badan ee Man City waxa ay ku riyaaqi doonaan guul weyn habeenka Axada, sidaasi waxaa saadaaliyay xiddigii hore ee Premier League Robbei Savage.

Savage oo maqaal ku qoray Daily Mirror ayaa ku taageeray kooxda Pep Guardiola inay goolal badan ku badiyaan kulanka Etihad Stadium ee ay soo dhaweynayaan Manchester United.

Kooxda horyaalka difaacaneysa ee City ayaa dhalisay 12 gool labadii kulan ee ugu danbeysay iyagoo xasuuqay kooxaha Southampton iyo Shakhtar Donetsk todobadii maalmood ee u danbeysay.

Savage ayaana aaminsan inay guul weyn ku gaari doonaan mar kale gurigooda isagoo saadaaliyay in Axada ay 4-1 ku xaaqi doonaan deriskooda Manchester United.

Kooxda Pep Guardiola ayaa u sareysa hogaanka Premier League, welina lagama badinin.

Xilli ciyaareedkii hore kulankaan waa laga badiyay, markii United ay ka soo kabsatay labo gool looga hormaray iyagoo ku bedelay seddex gool.

Kooxda Mourinho ee Man United ayaa iyagana haatan ku riyaaqaya seddex kulan oo bilaa guuldarro ah ka dib guulihii ay ka kala gaareen Everton, Bournemouth iyo Juventus.

Haddii ay ku celiyaan guushii ay ku gaareen Etihad xilli ciyaareedkii hore oo kale waxa ay farqiga iyo City ka dhigi doonaan lix dhibcood, waxaana fasaxa kulamada caalamiga ah ay geli doonaan iyagoo faraxsan.

Robbie Savage oo khabiir isboorti ka ah BT Sport ayaa sidoo kale saadaaliyay kulamada kale ee Premier League ee isbuucaan la ciyaarayo:

Cardiff 1-1 Brighton

Huddersfield 0-1 West Ham

Leicester 2-0 Burnley

Newcastle 1-2 Bournemouth

Southampton 1-1 Watford

Crystal Palace 1-3 Tottenham

Liverpool 4-0 Fulham

Chelsea 3-1 Everton

Arsenal 2-0 Wolves

Man City 4-1 Man Utd

6 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Cardiff 1-1 Brighton

    Huddersfield 0-1 West Ham

    Leicester 2-0 Burnley

    Newcastle 1-2 Bournemouth

    Southampton 1-2 Watford

    Crystal Palace 1-3 Tottenham

    Liverpool 4-1 Fulham

    Chelsea 1-2 Everton

    Arsenal 2-2 Wolves

    Man City 2-4 Man Utd

  2. Cardiff 1-1 Brighton

    Huddersfield 0-1 West Ham

    Leicester 2-0 Burnley

    Newcastle 1-2 Bournemouth

    Southampton 0-2 Watford

    Crystal Palace 1-3 Tottenham

    Liverpool 3-1 Fulham

    Chelsea 1-2 Everton

    Arsenal 2-2 Wolves

    Man City 2-4 Man Utd

  3. Cardiff 1-1 Brighton

    Huddersfield 0-1 West Ham

    Leicester 2-0 Burnley

    Newcastle 1-2 Bournemouth

    Southampton 1-1 Watford

    Crystal Palace 1-3 Tottenham

    Liverpool 4-0 Fulham

    Chelsea 1-2 Everton

    Arsenal 2-2 Wolves

    Man City 2-4 Man Utd

  4. wuu iska hadlay man United city agteeda waxba Kama aha haday southamton iyo shakhtar kaga badisay min 6 gool Ogawoo labaduba waa laba kooxood Oo and ujilicsan Mana maaha kuwaasoo kale juve Oo ah kooxda yurub ugu awooda wayn ayay waxba yahay ka dhigeen Chelsea Oo aad loo amaanayayna garoonkeeda ayay Ku garaaci gaadheen Oo lix daqiiqo Oo xaqdara ah loogu daray markii khibrada morinio ay ka yaabeen citina waxay Ku dhufanaysa 2:0 manbaa Ku badinaysa

Comments are closed.