Rio Ferdinand Oo Soo Doortay Liiska Shanta Xiddig Ee Lugta Bidix Ku Ciyaara Ee Ugu Fiican Abid Kubadda Cagta & Midka Uu Booska Koowaad U Doortay Messi Iyo Maradona.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa bilaabay doorashada shanta xiddig ee lugta bidix ku ciyaara kuwooda ugu fiican ee abid kubadda cagta soo maray.

Halyeeyga Red Devils ayaa wakhtigiisii kubadda cagta lasoo ciyaaray xiddigo heer sarre ah oo ay kusoo wada qaateen gudaha horyaalka Premier League iyo xiddigo kale oo ku kala sugnaa gudaha qaarada Yurub labadaba.

Haddaba, Waxaan halkan idiinku soo bandhigi doonaa liiska shanta xiddig ee uu darajadaas u xushay Ferdinand isaga oo booska koowaad u doortay Lionel Messi isla markaana ka horreysiiyay halyeey Diego Maradona.

5: Ryan Giggs

Tababaraha haatan ee xulka Wales ayay Ferdinand kusoo wada qaateen Man United, Giggs oo uu booska shanaad u doortay Giggs oo caan ku ahaa lugtiisa bidix isla markaana goolal si joogto ah goolal ugu soo dhalinayay mudadii uu joogay Red Devils.

4: Rivaldo

Halyeeyga xulka Brazil ayaa shaqo cajiib ah kusoo qabsaday lugtiisa bidix isaga oo kusoo guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 1999 isla markaana hantay Koobka Aduunka sanadkii 2002.

3: Stoichkov

Xiddigii hore ee xulka Bulgaria ayaa heer aad u sarreeya gaadhay wakhtigiisii Barcelona waxaana uu caan ku ahaa caawinta uu ku samayn jiray lugta bidix

2: Maradona

Sida iska cad, Maradona ayaa kamid ah xiddigaha kubadda cagta soo maray kuwooda ugu fiican marka laga yimaado inuusan abid ku guuleysan Ballon d’Or.

1: Lionel Messi

Xogta loo diiwaan galiyay Messi mudada uu dheelayay kubadda cagta ayaa ah mid iyadu is sharaxaysa, Inuu soo hantay shan Ballon d’Or ayaa amaan ugu filan kabtanka xulka Argentina iyo kabtanka Barcelona