Rio Ferdinand Oo Si Toos Ah U Magacaabay Laba Xiddig Oo Loo Baahan Yahay Iney United Koox Kale Ka Raadsadaan

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa kula taliyay labada xiddig ee Rasmus Højlund iyo Jadon Sancho inay ka tagaan kooxda si ay horumar ugu sameeyaan xirfadooda.

💬 Ferdinand oo ka hadlayay podcast-kiisa ayaa yiri:

Rasmus Højlund:

“Haddii Man United ay keento weeraryahan khibrad leh oo No.9 ah, markaa Højlund wuu sii joogi karaa.

Laakiin haddii aysan keenin, waa inuu meelo kale u dhaqaaqaa si uu waayo-aragnimo u helo.”

Højlund ayaa weli la rumeysan yahay in uusan ka mid ahayn ciyaartoyda sida fudud loo iibin doono, balse go’aanka kama dambeysta ah ee mustaqbalkiisa weli lama gaarin.

Jadon Sancho:

“Aniga ahaan, meel kasta oo ka baxsan Man United waa doorasho wanaagsan. Waa inuu si rasmi ah uga tago – wey xumaatay xaaladdiisu.

Waqtigiisu wuu dhammaanayaa, waana inuu wax soo saaro hadda.”

Ferdinand wuxuu intaas ku daray in Sancho u baahan yahay koox kubad heysasho sare leh oo ciyaartoy dhaqaaq badan leh ku xeeran yihiin:

“Sancho wuxuu u baahan yahay ciyaartoy si fiican u oroda oo kubadda haysta. Taasna kama helayo Premier League-ka.”

Sancho ayaa laga saaray qorshaha kooxda tan iyo markii uu muran la galay tababare Erik ten Hag, inkasta oo mushaharkiisa sare uu caqabad ku yahay helitaanka koox cusub.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football