Rio Ferdinand Oo Si Layaab Leh Uga Falceliyay Diidmadii Bruno Ee Heshiiskii Waalida Ahaa Ee Al Hilal

Rio Ferdinand ayaa si weyn u bogaadiyay go’aanka Bruno Fernandes ee ah inuu diido dalab maaliyadeed oo waali ah oo kaga yimid Saudi Pro League, si uu ugu sii nagaado Manchester United.

Warbixino horey u soo baxay toddobaadkan ayaa sheegayay in wakiilka Fernandes, Miguel Pinho, uu la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan koox Sacuudiyaan ah oo ku sugan Riyadh. Waxaana miiska saarnaa dalab gaaraya £200 milyan muddo saddex sano ah, kaasoo mushaharka Fernandes ee toddobaadlaha ah ee £280,000 kor ugu qaadi lahaa ilaa £700,000 oo canshuur la’aan ah. Si kastaba ha ahaatee, 30-jirka reer Portugal ayaa la rumeysan yahay inuu iska diiday dalabkaas si uu uga sii ciyaaro heerka ugu sarreeya ee Yurub.

Mar uu kaga falcelinayay warkan bartiisa YouTube-ka ee Rio Ferdinand Presents, daaficii hore ee Man United ayaa muujiyay sida uu ugu farxay go’aanka Bruno, isaga oo sheegay in uu xitaa fariin gaar ah u diray kabtanka United.

“Daacad ahaan, ma hubo haddii aan anigu maya oran lahaa,” ayuu yiri Rio. “Waa 30 jir, kooxda uu joogana dhib bay ku jirtaa.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Bruno wuu sii joogayaa — waa gooldhaliyaha ugu halista badan, kan ugu deeqsi san kooxda, kabtankeenna — wuxuu sameeyaa wax badan. Ma jirin subax aan ku tooso farxad ka badan tan. Waan fariistay oo waxaan u diray fariin, faahfaahinteeda ma sheegi karo, laakiin waa nin weyn.”

Go’aanka Fernandes ayaa yimid xilli ay jireen warar isa soo tarayay oo muujinayay inuu ka fikirayo bixitaanka Old Trafford. Waxaa dhowaan lagu arkay xiddiga Al-Hilal ee Ruben Neves, sidoo kale wuxuu ka qeyb galay dhalashada Joao Cancelo, taasoo keentay mala-awaalo badan. Waxa intaas sii xoojiyay farriin maldahan oo uu ku qoray baraha bulshada iyo bandhig liita oo ay United ka samaysay dalalka Aasiya, oo ay ku jiraan guuldarro ka dhan ah kooxda ASEAN All-Stars.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football