Rio Ferdinand Oo Shaaciyay Sirta Ka Dambeysa Guushii Finalka Ee PSG

Daafacii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay si buuxda u caburisay Inter Milan intii lagu jiray final-kii Champions League ee Sabtidii lagu qabtay Allianz Arena, Munich.

Ferdinand ayaa sheegay in PSG ay “neefta ka jartay” Inter Milan, iyadoo si joogto ah u cadaadinaysay kooxda reer Talyaani.

Kooxda Luis Enrique ayaa 5-0 ku xasuuqday Inter iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Désiré Doué (2), Achraf Hakimi, Khvicha Kvaratskhelia iyo Senny Mayulu.

“PSG waxay si buuxda u maamushay ciyaarta, waxay neefta ka jartay Inter Milan, waxayna saareen cadaadis aan kala joogsi lahayn,” ayuu Ferdinand u sheegay TNT Sports.

“Markii ciyaartu bilaabatayba, PSG waxay bilaabeen inay cadaadis saaraan Inter, ciyaartoyda PSG-na waxay ahaayeen kuwo halis ku ahaa goolka mar kasta.”

“Waxay ahayd bandhig layaab leh oo heer sare ah, anigu ma arkin koox si intaas la eg u xukuntay ciyaar final ah,” ayuu ku daray.

Guushan ayaa PSG ku hoggaamisay treble-ka xilli ciyaareedkan, iyadoo uu hoggaaminayo tababare Luis Enrique.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football