Daafacii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in kaliya laba kooxood ay haystaan fursad dhab ah oo ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Ferdinand ayaa yiri:
“Waxaa kaliya premier league ku tartami doona Liverpool iyo Manchester City xilli ciyaareedka soo socda,” ayuu ku sheegay barnaamijka Rio Ferdinand Presents.
“Arsenal waxaa laga yaabaa inay xoogaa buuq ah sameeyaan – laba ama lix bilood – laakiin intaas wax ka badan ma dhaceyso.”
Liverpool ayaa ah kooxda hadda difaacanaya koobkan kadib guushii ay ka gaareen xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Arne Slot. Reds waxay 10 dhibcood ka sareeyeen Arsenal oo markale kaalinta labaad gashay, halka Manchester City ay ku dhameysatay kaalinta saddexaad, taasoo soo afjartay afar sano oo xiriir ah oo ay horyaalka qaadaysay.
Liverpool waxey beddelka Trent Alexander-Arnold soo wareegeen Jeremie Frimpong, waxayna lacag rikoor ah kusoo qaateen Florian Wirtz oo kaga yimid Bayer Leverkusen. Milos Kerkez ayaa isna la keenay kooxda.
Manchester City ayaa dhankeeda la saxiixatay Rayan Ait-Nouri, Rayan Cherki, iyo Tijjani Reijnders.
Arsenal wali ma aysan dhammeystirin saxiixa weeraryahan weyn, balse waxaa la filayaa inay dhowaan xaqiijiyaan saxiixa Martin Zubimendi oo ka socda Real Sociedad. Heshiisyada Kepa Arrizabalaga iyo Christian Nørgaard ayaa sidoo kale la xaqiijiyay.
Si kastaba ha ahaatee, Ferdinand ayaa u muuqda mid aan ku qancin habka Arsenal ay suuqa u gashay, isagoo rumeysan in koobka kaliya la geyn doono Anfield ama Etihad.