Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ku booriyay kooxdiisii hore in ay si dhaqso leh u dhammeystirto saxiixyo cusub xagaagan, kaddib marka ay lasoo wareegeen Matheus Cunha oo kaga yimid Wolves.
Ferdinand oo ka hadlayay barnaamijkiisa YouTube-ka ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay weeraryahan khibrad leh, qad dhexe oo xirfad leh, iyo difaac midig.
Wuxuu yiri:
“Haddii aan hadda talo siinayo kooxda, waxaan leeyahay: fadlan ha ilaawina inaad keentaan number 9 khibrad leh.”
Wuxuu intaas ku daray inuusan magacaabi doonin weeraryahan gaar ah, maadaama uu horey dhowr jeer u soo jeediyay magacyo, balse aan la dhageysan.
Rio ayaa sidoo kale tilmaamay in Man United ay u baahan tahay qad dhexe oo awood u leh inuu ciyaarta hoggaamiyo, si uu kooxda ugu noqdo maskaxda garoonka.
Sidaas darteed, Ferdinand wuxuu ku adkeystay in saxiixyada xiga ee United ay noqdaan:
Weeraryahan dhexe oo khibrad leh
Qad dhexe oo ciyaarta xukuma
Difaac midig oo tayo leh
Manchester United ayaa hadda bixinaysa £62.5 milyan si ay ula soo wareegto Matheus Cunha, kaasoo sidoo kale xiiseynayay Arsenal, balse doorbiday kooxda uu carruurnimada taageeri jiray.