Rio Ferdinand Oo Magacaabay Hal Xiddig Oo Ay Manchester United Ku Qaldaneyd Iney Iska Iibiso

Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in kooxda qalad ku gashay iibka Romelu Lukaku, isagoo tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan kale oo ay ahayd inaysan iska iibin.

Ferdinand ayaa sidoo kale ku eedeeyay Man United inaysan u ciyaarin si waafaqsan awoodaha Lukaku intii uu joogay Old Trafford.

Waxaa la xusuustaa in United ay ku qarash gareysay £75 milyan si ay Lukaku uga soo qaadato Everton sanadkii 2017. Wuxuu dhaliyay 27 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, balse hoos ayuu u dhacay xilli ciyaareedkiisii labaad ka hor inta aan loo wareejin Inter Milan oo ka tirsan Serie A.

Lukaku wuxuu markaas kadib u wareegay Chelsea, balse wuu ku dhibtooday halkaas, waxaana loo diray amaah labo xilli ciyaareed oo xiriir ah ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin Napoli sanadkii hore.

Ciyaaryahanka reer Belgium, oo hadda 32 jir ah, wuxuu Napoli ka caawiyay hanashada horyaalka Serie A jimcihii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee ay kaga badiyeen Cagliari 2-0.

Rio Ferdinand oo ka hadlayay YouTube-kiisa ayaa yiri:

“Waa inaan bogaadiyo nin lagu magacaabo Romelu Lukaku.

Waa ciyaaryahan kale oo ka tegay Manchester United kana soo muuqday meelo kale. Wuxuu mar kale ku guuleystay Serie A wuxuuna gool dhaliyay habeenkii ay koobka qaadeen.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football