REKOODH: Kooxda Juventus Oo Magaceeda Ku Qortay Mid Kamid Ah Rekoodhada Ugu Waaweyn Kubadda Cagta Yurub Kaddib Guushii Ay Ka Gaadhay Inter Milan.

Kooxda Juventus ayaysan guushii xalay u ahayn mid ay kaliya ku faraxsanaayeen saddexda dhibcood ee ay ka heleen kooxda ay sida ugu weeyn u xifaaltamaan ee Inter Milan balse sidoo kale waxa ay ku diiwaan gashatay rekoodh taariikhiya.

Guusha dirqiga ah ee ay Juve ku gaadhay kulanka Derby d’Italia ayaa ah mid ay ku samaysay rekoodhka ah inay jabisay oo ay bareejaysay rekoodhka kooxda abid bilawga ugu fiican ka samaysa shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub kaddib 15-ka kulan ee ugu horreeya.

Mandzukic was the match winner for the 'Bianconeri'. GOAL

Guushan ayaa ahayd mid ay Bianconeri ku dheeraysatay hoggaanka horyaalka Serie A, Goolkii uu qaybtii dambe ee kulankan dhaliyay Mario Mandukic ayaana ka caawinaysa inay 11 dhibcood oo saafi ah ka sare maraan kooxda ugu soo dhaw ee Napoli.

Inay 43 dhibcood ka heleen 15-kii kulan ee ugu horreeyay ayaa ah inay jabiyeen rekoodhkii ay isla xilli ciyaareedkan dhigtay kooxda ree France ee Paris Saint-Germain.

Paris ayaa guuleysatay 14-ka kulan ee ugu horreeya ee horyaalka dalleeda Ligue 1 kaddib imaatinka tababaraha cusub ee Thomas Tuchel kahor intii aysan kulanii 15-aad bar-bardhac la gelin kooxda Bordeaux.

Juventus ayaa 15-ka kulan ee ay ciyaartay hal kulan bar-bardhac soo gashay, Kulankaas ayaana ahaa midkii aymin 1 ka gool ku kala baxeen kooxda Genoa oo marti u ahayd.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.