Reece James ayaa la hadlay saxaafadda kaddib guushii Chelsea ka gaartay Nottingham Forest kulankii ugu dambeeyay ee Premier League, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxda diiradda saareyso finalka Conference League ee ay la ciyaarayaan Real Betis.
“Kuma raaxeysan doonaa guushan, balse diiraddayadu waxay durba saaran tahay Real Betis iyo finalka Conference League,” ayuu yiri kabtanka Chelsea.
“Xilli ciyaareedku wuxuu ahaa mid dheer oo adag. Waqtiyo liita ayaan soo marnay, kulamo badan ayaan khasarnay ama barbaro galnay iyadoo aan xaq u lahayn in aan guuleysano.
“Laakiin intii uu xilli ciyaareedku socday, waxaan muujinnay adkaysi, midnimo, iyo dadaal joogto ah – hadda waxaan joognaa meel aan ku guuleysan karno koob Yurub ah.waxaa noo sii dheer taas in aan xaqiijisannay booskeenna Champions League. Waa arrin togan.
“Hadda indhaha ayaan ku haynaa abaalmarinta Arbacada. Qof walba wuxuu rabaa inuu helo koob Yurub ah, waxaana ogahay waxa uu u yahay kooxda – waa fursad aan ku dhammeystiri karno ururinta koobabka. Waan u heellanahay inaan taas gaarno.”