Real Madrid ayaa heshay war farxad leh ka hor kulanka wareega 16-ka Koobka Adduunka ee Naadiyada, oo ay la ciyaarayaan Juventus Talaadada, kadib markii saddex ciyaaryahan oo muhiim ah ay tababarka dib ugu soo laabteen.
Tababaraha kooxda, Xabi Alonso, ayaa sheegay in ay jirto “fursad weyn” oo uu Kylian Mbappe kaga qayb qaadan karo kulanka. Weeraryahanka 26-jirka ah ayaa seegay saddexdii kulan ee kooxdu ciyaartay wareegga group-yada, sababo la xiriira xanuun caloolosha ah(gastroenteritis) oo lagu arkay kahor bilaabashada tartanka.
Alonso ayaa saxaafadda u sheegay:
“Subaxnimada(Xilliga USA) ayaan la hadli doonaa si aan go’aan kama dambeys ah uga gaarno, laakiin fursadda uu ku ciyaarayo waa mid weyn.”
Sidoo kale, daafacyada Éder Militão iyo Dani Carvajal ayaa diyaar ah kadib markii ay kasoo kabteen dhaawacyo.
Real Madrid ayaa illaa hadda tartanka ka qaadatay laba guul iyo hal barbaro, waxaana ay hiigsanayaan inay u gudbaan wareega siddeed dhammaadka iyadoo la filayo in Mbappe uu safto kulankiisii ugu horreeyay ee Club World Cup.